Main arrow Activities arrow Ongoing Projects arrow MIDA - Xafladii furitaanka Mashruuca Horumarinta Caafimaadka Somaliland iyo Puntland
MIDA - Xafladii furitaanka Mashruuca Horumarinta Caafimaadka Somaliland iyo Puntland Print

MIDA – Xafladii furitaanka Mashruuca Horumarinta Caafimaadka Somaliland iyo Puntland ee 21 August 2008

Xarunta Kanava - IOM iyo xirfadlayaasha caafimaadka ee degen Finland

21 August 2008, hay’ada IOM ee Helsinki waxa ay si rasmi ah u furtay mashruucii MIDA ee horumarinta caafimaadka Somaliland-Puntland. Kulankaasi oo ahaa mid sia aad ah loo soo abaabulay ayaa waxaa daadihinayey xubno ka socdey hay’ada IOM Mr. Saed Guled and Juan Reyes. Xafladan ayaa waxa ay ka dhacdey xarunta ururka dhalinyarada ee KANAVA, halkaasoo ay isugu yimaadeen wakiilo ka socdey somalida degan wadankan,saraakiil ka socotey wasaarada arimaha dibeda Finland, iyo hay’ada IOM ee Helsinki.  Waxaa ugu horeyn ku soo dhaweeyey dhamaan martidii kasoo qayb gashey kulankaas wakiil Kanava Mr. Aden Mohamed Aden, sidoo kale ayaa madaxa hayada IOM ee Helsinki Dr. Thomas Weiss uu fursad u helay inuu kula kulmo diaspora somalida Finland oo uu kala hadley muhiimada uu u leeyahay mashruucan dhamaan soomaalida hadii ay noqon lahayd ka qeybqaadashada dibudhiska wadankooda amaba mustaqbalka ay tiigsanyaan dadka xirfadlayaasha caafimaad ee somali dispora.

Waxaa iyaduna halkaasi ka hadashay sarkaalad ka socotay wasaarada arimaha dibeda Finland waaxda qaabilsan Afrika iyo barga dhexe Dr. Anu Eskonheimo, oo iyaduna balan qaaday inay dawlada Finland ka qayb qaadan doonto hawlha gargaarka biniaadinimo iyo dib u dhiska wadanka soomaaliya. Sidoo kale ayey sheegtey in ay si gaar ah ula socon doonaan ka miro dhalinta mashruucan oo hadii uu guuleysto ay dhaqaale intaa ka badan ku bixin doonaan mashaariic kale oo noocaan oo kale ah. Intaa kadib ayaa isu dubaridaha mashruucan Mr. Saed Guled uu halkaas ugu soo bandhigey dadkii ka soo qeyb galay kulankaasi presentation uu ku faahfaahiyey mashruucan ujeedada laga leeyahay iyo hawlaha loo baahan yahay in lawadda qabto. Sidoo kale qaabka ugu wanaagsan ee ay uga qeyb qaadan karaan ka miro dhalinta mashruucan soomaalida leh xirfada caafimaadka ee degan wadankan Finland. Intaa kadib ayaa waxaa bilowdey su’aalo iyo jawaabo uu inta badan ka jawaabayey madaxa hay’ada caalamiga ah ee IOM Dr. Thomas Weiss, suaalahaasoo inta badan ku saabsanaa mashruucan iyo dhaqangelintiisa iyo weliba qaabka looga qeyb qaadan karo. 

qiyaastii 30 xubnood oo isugu jirey xirfadlayaal caafimaad sida medical doctors, nurses, dentists, and laboratory technicians, nurses students iyo xubno – martisharaf matalayey ururada waaweyn ee soomaalida wadankan ayaa ka qeybqaatey kulankaasi, kuwaasoo si aad ah u muujiyey xiisaha iyo rajada uu ku dhaliyey mashruucan sida ay uga qeyb qaadan lahaayeen caawinta dadkooda dhibaatada baahsan ee caafimaad ay haysato, dhamaan xirfadlayaashii caafimaad ee kasoo qeyb galay kulankaasi  rag iyo dumarba sida ay diyaarka ugu yihiin ka miro dhalinta mashruucan si uu unoqdo bilow fiican oo ay xigto mashaariic ka waaweyn. Ugu dambayntii ayaa waxaa dhamaan dadweynihii kasoo qeybgalay kulankaasi ay kuwada casheeyeen jawi aad u wanaagsan oo lagu soo bandhigay “casho soomaali” ay si wadajira u diyaariyeen xarunta dhalinyarada Kanava iyo Mashruuca MIDA ee Somaliland iyo Puntland ee hayada IOM Helsinki.    

IOM Helsinki waxay si gaar ah ugu mahadcelinaysaa Dr. Anu Eskonheimo ee wasaarada arimaha dibeda Finland, Dr. Mohamud Abdillahi oo ku hadlay magaca ururka dhakhaatiirta soomaaliyeed, Mr. Aden Mohamed Aden wakiilka xarunta Kanava iyo dhamaan xubnihii kasoo qeyb galay kulankaas, xiisaha iyo sida ay u taageereen mashruucan caafimaadka ee ku wajahan wejigiisa hore kaabista caafimaadka  Somaliland iyo Puntland.



dr_weiss_opens_seminar2.jpg
Madaxa Hayada IOM, Dr. Thomas Lothar Weiss, oo furay seminaarkan


mida_logo_small.jpg



Return to the MIDA Health Somaliland-Puntland project webpage.
Last Updated ( Friday, 29 August 2008 )