|
MIDA - WARGELINTA WAQTIGA UGU DAMBEEYA EE CODSIGA MIDA |
|
29 September 2008: WARGELINTA WAQTIGA UGU DAMBEEYA EE CODSIGA MIDA
SCWW – CIID WANAAGSAN
Walaalayaal sida aad ula socotaanba waxaa la soo gabagabeeyey qiimeyntii baahida caafimaadka "Needs assessment" ee goobaha laga hawl galayo (Somaliland iyo Puntland). Sidoo kale ayaa dufcadii u horeysay ay baxayaan bilowga bisha October ee fooda inagu soo haysa. Waxaa sidoo kale sidii qorshuhu ahaa la gaaray xiligii IOM Helsinki ay xuli lahayn dadka xirfadlayaasha caafimaad ee xiiseynaya inay ka qeyb qaataan mashruucan MIDA ee wax looga qabanayo caafimaadka Somaliland iyo Puntland. Sidaa daraadeed ayay hay’ada IOM Helsinki idinku wargelinaysaa in cida xiiseynaysa ka qayb noqoshada barnaamijkan ay soo diraan codsigooda ugu dambayn 15.10.2008. waayo diyaargarow dheer iyo qorshe balaaran ayaa loo baahan yahay sida; waqtiga uu bixi karo, goobta uu tagayo xirfadluhu, waxa uu qabanayo, deegaanka uu ku noolaanayo, qalabka caafimaad ee uu u baahan karo marka uu ka howlgalayo fieldka, tababar amni ee shaqaalaha caalamiga ah (Secuirity Training), iyo dhamaan macluumaadka kale ee la xiriira safarkiisa. Fadlan kala bax lifaaqa fariintan Application Form – MIDA Health Somaliland and Puntland.
Wixii faahfaahin iyo suaalo, fadlan soo wac Tel. 09 68411523 ama 09 68411537.
Return to the MIDA Health Somaliland-Puntland project webpage. |
|
Last Updated ( Monday, 20 October 2008 )
|