Main arrow Activities arrow Ongoing Projects arrow Hay’adaha IOM iyo UNDP Somalia oo diyaariyey koox dib u soo celinaysa khubadarada jaaliyadaha Dibad
Hay’adaha IOM iyo UNDP Somalia oo diyaariyey koox dib u soo celinaysa khubadarada jaaliyadaha Dibad Print

Hay’adaha Qaramadana ee  Horumarinta Barnamijyada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNDP) iyo Hay’adda Socdaalka Caalamiga ah (IOM), ayaa waxay si wadajir ahaan u soo bandhigayaan hindise oo lagu diyaarinayo khubaro farsamo oo ka tirsan jaaliyadaha Soomaalida dibadda ku dhaqan, si ay gacan uga gaystaan dib-u-dhiska arrimaha  asaasiga ah ee maamul-wanaagga qaybo ka mid ah dalka.

Khubaro farsamo Soomaaliyeed oo ku-xeel-dheer - arrimaha  Horumarinta Socdaalka  Afrikaanka (QUESTS-MIDA), ayaa ka qaybqaadan doona  mashruucan oo bartilmaameedkiisu yahay  in dadka Soomaalida ah ee khibradda u leh dhinacyada siyaasadda iyo sharciga, kuna dhan waqooyiga Ameerika, Boqortooyada Ingriiska(UK) iyo waddamada islu yiraahdo Nordic Countries, ay hawlahaas gacan ka gaystaan. Waxayna khibaradu ka hawlgeli doonaan mashaariicda maxaladda gaaban ee ku wejahn awoodaynta dhinaca maamulka oo laga hirgelin doono qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya, waxaana masharuucaas loogu talo galay muddoo cel-celis ahaan dhan qiyaastii muddo lix bilood ah, si ay gacan uga siiyaan tababarada xir-fadeed ee shaqoojinka loogu abuurayo qaybaha bulshada, iyadoo la tixgelinayo goobaha ay ka faa’iidaysayaashu ku dhaqan yihiin.   

Maaraynta haboon ee maaliyadda dawladda, ayaa waxay ka mid tahay goobaha loo baahan yahay in bartilmaameedyada mudnaanta leh lagu daro, taasoo xilligii labaatameeyada sano gaarayey ee colaaddu dalka ka jirtay si weyn waxyeello ula soo gudboonaatay, madaama  waaxyaha  ay ka mid yihiin; dhaqaalaha aan rasmiga ahayn intiisa badan uusan lahayn qaab-dhismeed gacansi sida; la socoshada deeq-bixiyayaasha., uruurinta canshuuraha, mushaaraadka ciiamadda ammaanka ama  xitaa sida loo jaangoyn karo xaddiga qiyaasta ugu sarraysa ee hal Bilyan oo doolarka Maraykanka  ee sannadkiiba ka soo xaroota xawaaladaha dalka

Waxayna Barnaamijyadani kaabayaan dadaallada hay’adda UNDP ee afartii sano ee la soo dhaafay, iyadoo lala kaashanayo adeegyada farsamo ee khubarada xeel-dheerayaasha Soomaalida (QUESTS) , Hay’adda  IOM, ayaa iyaduna barnaamijkan ebyi doonta, iyadoo la kaashanaysa waaya-aragnimada iyo khubarada, hore u sii ambaqaaday  hay’adaha  Horumarinta dhinaca socdaalka Afrika (MIDA),  waxaana  hindisahan iyo shabakadihiisa ergooyinka waddamada kala duwan looga golleeyahay in ay ka  qaybqaadan doonaan khubaro Soomaaliyeed oo ku xeel-arri amrrtimahaas iyaga ah.

Faahfaahin dheeraad ah fadlan soo booqo: http://www.quests-mida.org ama la soo xidhiidh: Saed Guled (Phone: +358 9 684 11 523, E-mail: ).

quests-mida_banner.png

Last Updated ( Thursday, 28 January 2010 )